so

Su’aalaha La Is-weydiiyo Inta Badan ee CollegeBount Saint Paul

XAQ U YEELASHO

Yaa xaq u leh barnaamijka?

Carruurta ayaa xaq u leh CollegeBound Saint Paul haddii ay dhashaan 1-da Jannaayo, 2020 ama ka dib iyagoo ka soo baxaya mid ka mid ah laba shuruudood:

  • Waa in ay ku ku dhashaan Saint Paul AMA
  • Ay deegaan u noqoto Saint Paul ka hor inta aysan gaarin lix jir

Waxaa ilmaha loo tixgalinayaa in uu deggen yahay Saint Paul marka ay Saint Paul deegaan u tahay ugu yaraan mid ka mid ah waalidka ilmaha, masuulka u sharciyeysan, ama qofka kale oo korinaya.

Qeexidda sheegeysa xaqa loogu yeelanayo waa xaqiijin in ay carruur ka soo jeedda qoysas ay duruufahoodu kala duwan yihiin xaq u yeeshaan barnaamijka, sida:

  • Carruurta ay korsadeen waalid deggan Saint Paul ka hor inta aysan gaarin lix jir
  • Carruurta ay dhalaan waalid deggan Saint Paul oo si ku meel gaar ah ugu nool dibadda, sida kuwa u shaqeeya ciidanka ama hay’adda Peace Corps
  • Carruurta u dhasha waalid xiran oo ay deggaan u tahay Saint Paul

NAQSHADEYNTA GUUD EE BARNAAMIJKA

Lacagta ma waxaa loo isticmaali karaa kuleejyada iyo jaamacadaha afarta sano oo keliya?

Maya, lacagta waxbarashada waxaa loo isticmaali karaa karaa fursado ah tacliin kala duwan oo badan, oo ay ku jiraan kuleejyo iyo jaamacado afar sano ah, kuleejyada labada sano, iyo tababar ama xirfado kale oo lagu shaqeysto.

Bangigee ayaa laga furayaa koontada keydinta lacagta?

  • Koontada waxaa laga furayaa Bremer Bank oo ay Magaaladu kala shaqeyso lacagaha la keydiyo.
  • Bremer Bank ayaa CollegeBound Saint Paul u furaya koontooyinka iyada oo aan lacag laga rabin Magaalada iyo dadka koontada ku qoran.

Sidee baa loo maalgelinayaa barnaamijka?

Si waxqabadku joogto u noqdo, CollegeBound Saint Paul waxay sameyn doontaa ilo dhaqaale oo kala duwan. Magaalada ayaa maalgelin doonta shaqaalaha barnaamijka iyo qaabka maareynta koontada/macluumaadka Xafiiska Xoojinta Maaliyadda. Lacag ah keydin dhaqaale, wacyigelinta qoyska oo laga qeyb geliyo iyo lacagta yar ee hadyadda ah oo ay keenaan ururro samafal bulsho oo maxalli ah, ururrada waaweyn iyo tabarrucaadyo shirkado ama shakhsiyaad.

WAA MAXAY SABABTA COLLEGEBOUND SAINT PAUL?

$50 kuma filna kharashka kuleejka, marka maxay muhiim u tahay koontada keydinta lacagta kuleejka ama CSA?

Marka lacag yar la keydiyo waxa ay wax ka beddeli kartaa in ay carruurtu bilaabaan iyo in ay ka qalinjebiyaan tacliin sare ama kuleej. Waxaa daraasad lagu ogaaday carruurta qoysaskoodu danyarta yihiin ee haysta lacag loogu keydiyey kuleejkooda ilaa $500 ama ka yar in ay saddex jeer u badan tahay inay galaan kuleej iyo in ay afar jeer u badan tahay in ay qalinjrbiyaan marka loo eego carruurta ay isku midka yihiin ee aan haysan wax lacag keyd ah. Lacagta kuleejka ee CSA waxay gacan ka geysaneysaa marka aysan ardeydu ku filneyn kaalmada dowladda ee kharashka waxbarashada, sida buugaagta, gaadiidka ama kharashka nolosha. Kharashaadkaas waa ay ku badan karaan carruurta ay qoysaskoodu danyarta yihiin, marka CSA ayaa u fududeyneysa in ay dhigtaan waxbarasho ka dambeysa dugsiga sare.

Miyey jiraan barnaamijyo kale oo sameeya keydinta lacagta kuleejka?

Haa. Koontada lacagta kuleejka waxaa cilmi-baaris lagu soo sameynaayey ilaa 2003, oo San Francisco ayaa ugu horreyn soo bilowday barnaamij ah Kindergarten ilaa Kuleej 2011. Dhowr magaalo ayaa markaas uga dayday, oo waxaa ka mid ah Saint Louis (MO), Lansing (MI), iyo Oakland (CA). Bishii Diseembar 2018, ku dhawaad nus milyan carruur ah ayey u furaneyd koontada lacagta kuleejka kuwaas oo isugu jira 65 barnaamij dalka oo dhan. CollegeBound Saint Paul waxay aqoon iyo khibrad ka heleysaa magaalooyinkii horay u lahaa, hase ahaatee waa magaaladii koowaad ee gobolka oo dhan ee bilowda barnaamijka noocan ah ee keydinta lacagta kuleejka.

Fikradda CSA waxaa markii hore lagu tijaabiyey barnaamij mudaaharaad ah, lacag ahayd badbaadinta waxbarashada, ganacsi-abuurka ama SEED, laga soo bilaabo 2003, oo dabdeedna waxaa barnaamijka lagu sameeyey cilmi-baaris.

Miyey ururrada iyo xubnaha bulshada barnaamijkan door ka qaadan doonaan?

Haa, wada-shaqeyntu muhiim ayey u tahay in guul laga gaaro barnaamijka. Ururrada ku saleysan bulshada waxay dadka ula xiriirayaan is-diwaangelinta, ka soo qeybgalkooda oo la joogteeyo, iyo adeegyo ah xoojinta dhaqaalahooda. Barnaamijka in badan oo bulshada ka mid ah ayaa kala shaqeyn doonta in laga helo heerar kala duwan oo ah adeegyo kuwa fudud ilaa kuwa degdeg ah.

Barnaamijku wuxuu yeelan doonaa koox dadweyne ah oo maamusha – oo ka kooban hoggaamiyeyaasha ee bulshooyinka kala duwan magaalada – si loo hubiyo in dadku la socdo horumarinta joogtada ah iyo tayeyn in lagu sameeyo hawlaha iyo natiijooyinka barnaamijka. Intaas waxaa sii dheer, dallad ka mid ah danjireyaasha barnaamijka — oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Saint Paul sida ardeyda, waalidiinta, iyo bareyaasha — ayaa ku taageeri doonta wacyigelinta iyo howlgelinta barnaamijka CSA iyo dhameystirka dedaalka shaqaalaha barnaamijka CSA iyo abaabuleyaasha. Ugu dambeyn ururrada iyo ganacsatada oo ay weheliyaan shakhsiyaad ka soo jeeda deegaanka, ayaa dadka u diiwaan gelinaya barnaamijka iyagoo ah hormuudka taageeraya barnaamijka iyo aragtidiisa.

ARRIMAHA QOYSASKA

Miyey CollegeBound Saint Paul saameyn doontaa waxyaabo kale oo aan helo?

Maya. Maaddaama ay Magaaladu tahay milkiilaha koontada oo aan ilmahaagu dhaxal u heli karin, lacagta keydka ah looma xisaabin doono sidii hanti aad leedahay oo laguuma tixgelinayo manaafacaadka SNAP, SSI, iwm. umana baahnid inaad ku soo sheegto waraaqahaaga canshuurta.

Sidee lagu bilaabaa keydinta lacagta koontada ilmaha ee CollegeBound Saint Paul?

Waxaa jira siyaabo badan oo wax loogu daro koontada ilmaha:

  • Shakhsi ahaan: Adigu imow oo lacagta toos ugu rid koontada Bremer Bank. Soo qaado lacagta (oo ah caddaan, jeeg shakhsi ahaaneed, ama jeeg lacag nooc kale ah) iyo lambarka koontada ilmahaaga.
  • Boosto ahaan: Boostada ugu soo dir jeegga aad gelineyso bangiga Bremer. Iska hubso in aad xusuusin ahaan ugu dul qorto lambarka koontada ilmahaaga.
  • In mushaar toos laga soo gooyo: Lacagta tooska la isaga soo gooyo waa adeeg bangi oo mushaar laga soo gooyo lacag dhigaal ah iyadoo la gelinayo koontada keydinta ee ilmahaaga.
  •  Lacagta lagu bixiyo intarnetka ama ACH: Bangigaaga ayaad lacagta intarnetka ka soo gudbin kartaa. Waxaad kala dooran kartaa lacagtaad bixieyso haddii aad rabto hal mar ama bil kasta.

Waa maxay sababta loo sii keydsanayo lacagta kuleejka?

Micno badan ayey u leedahay ilmaha in uu sii ogaado in qoysasku rabaan kuleejka in laga dhabeeyo. In mustaqbalka ilmaha loo sii keydiyo xataa dhowr doollar waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa hammigooda. Waxay u noqoneysaa farriin ah in kuleejku yahay yool muhiim u ah nolosha. Doollar kasta oo aad u dhigto hadda waxa uu noqonayaa lacag uusan ilmahaagu amaahan doonin mustaqbalka.

Lacag intee ah ayaan keydineynaa?

Inta aad keydineysaan waxay ku xiran tahay waa adiga iyo qoyskaaga. Qoysaska qaarkood, waxa caawiya in ay ururiyaan lacag yool u ah bil kasta ama sannadkiiba mar, sida $10 bishiiba. Dadka kale waxaa u fudud in ay koontada lacag geliyaan markii ay awoodaan, sida maalmaha dhalashada, ciidaha, xilliga canshuur-celiska, ama wakhtiyada kale ee gaarka ah. Tabarrucaad yaryar ayaa marka la isu geeyo keeni doona is-beddel weyn. Doollar kasta oo aad u dhigto waxa uu noqonayaa lacag uusan ilmahaagu amaahan doonin mustaqbalka.

Waa koonto noocee ah koontada CollegeBound Saint Paul?

Koontada ilmaha loo furayo waa mid lagu rido lacag oo keliya oo loo cayimay waxbarasho ama tababar xirfadeed dugsiga sare ka dib. Taas macnaheedu waa in aad lacag gelin karto, laakiin ma ka bixin kartid wax lacag ah ilaa ilmahaagu gaaro 18 sano oo ay lacagtana u isticmaalayaan kuleej. Koontada waxaa iska leh Magaalada Saint Paul balse ilmaha ayaa lacagta ku qaadan kara ama kula bixi kara shuruudo.

Maxaa dhacaya haddii uu ilmuhu ka guuro Saint Paul?

Haddii reerkaagu ka guuraan Saint Paul, fadlan la soo xiriir Xafiiska Xoojinta Maaliyadda Magaalada si aad ula socodsiiso cinwaanka aad beddelatay. Carruurta ka guurta Saint Paul koontooyinkoodu waa u furnaan karaan, lacag ayey ku ridan karaan, oo waa ay sii haysan karaan lacagihii lagu yaboohay (sida, lacagtii bilowga ahayd iyo tii hadyadda ahayd) ee hore ugu sii badatay. Si kastaba ha noqotee, xaq uma laha inay helaan wax dheeraad ah mustaqbalka dambe marka aysan degganeyn Saint Paul.

Maxaa ku dhacaya koontada haddii ilmuhu dhigan waayaan kuleej?

Lacagta CollegeBound Saint Paul waxaa loo isticmaali karaa waxbarasho noocyo kala duwan dugsiga sare ka dib oo waxaa ka mid ah kuleejka labada sano, barnaamijyada tababarka xirfadaha iyo farsamada. Lacagaha ay koontada geliyeen dadka kale (ilmaha, xubnaha qoyska, iwm.) iyaga waxaa loo tixgelinayaa “wax barnaamijka ka baxsan” oo ilmaha ayaa la bixi kara ilaa uu gaaro 25 jir. Wakhtigaas haddii ay jiraan ilmo ay lacago barnaamijka ka baxsan ugu ururtay koontadooda oo iyagiina la waayo si loo siiyo lacagtooda, lacagta soo hadha waxaa lagu wareejin doonaa xafiiska haya boolida ee Minnesota Unclaimed Property Division. Lacagaha barnaamijka aan la adeegsan (tii lagu ridaayey, hadyaddii) waxaa la noqonaya barnaamijka oo u isticmaali doona ardeyda kale ee mustaqbalka.

Waa maxay lacagta hadyadda yar ah ee ay ilmuhu heli doonaan?

Hadyadaha barnaamijkan ee la filan karo waxaa ka mid ah:

  • Ka-qeybgalka Barnaamijka – Hadyad lacag yar oo la socota furashada koontada
  • Heer-gaarid/Hawlgalid – Ballamaha kobcidda ee ilmaha dhakhtar loo geeyo
  • Heer-gaarid/Hawlgalid – Hadyadda hawlgalidda awoodda maaliyadeed
  • Heer-gaarid – hadyadda dhalashada 1 sano
  • Hadyad – Carruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah

Bulshadaada ku caawi in ay xoogeysato. Noqo qof CollegeBound Saint Paul kala shaqeeya dadweynaha.

Akhriso faahfaahin
Privacy Settings
We use cookies to enhance your experience while using our website. If you are using our Services via a browser you can restrict, block or remove cookies through your web browser settings. We also use content and scripts from third parties that may use tracking technologies. You can selectively provide your consent below to allow such third party embeds. For complete information about the cookies we use, data we collect and how we process them, please check our Privacy Policy
Youtube
Consent to display content from - Youtube
Vimeo
Consent to display content from - Vimeo
Google Maps
Consent to display content from - Google
Spotify
Consent to display content from - Spotify
Sound Cloud
Consent to display content from - Sound
CollegeBound Saint Paul