so

Bakhshiishyo

Koontada nuunnehaaga lacagtu ha u sii badato!

Hel lacag bilaash ah si aad nuunnehaaga uga caawiso kordhinta lacagta waxbarashada mustaqbalka!

Sidaad ku heli karto bakhshiishka nuunnehaaga ee markay koontadu u gaarto heerarka muhiimka ah, waa adigoo qeyb ka ah barnaamijka tacliinta sare ee CollegeBound Saint Paul, iyo adigoo ka qayb qaata hawlaha ee xoojinta qoyskaaga iyo ilmahaaga.

Lacagta Keydka Koowaad

Nuunnehaagu waxaa loo hayaa $50 oo ah lacagta kuleejka!

Barnaamijka Bakhshiishyada

Nuunnehaagu wuxuu heli karaa lacag baskhsiish ah oo loogu kordhiyo koontada keydta ah!

Lacag-dhigaalka Qoyska

Lacag-dhigis kasta oo ay sameeyaan xubnaha qoyska ama asxaabta, sida ayeeyo, awoowe, ama adeer.

Qoyska iyo asxaabta sidoo kale si toos ah ayey lacagta ugu ridi  karaan koontada nuunnaha. Koontada nuunnaha waa mid lacag la geliyo oo keliya, marka lambarka koontada waxaad siin kartaa qof kasta oo lacag u gelinaya.

$10 Waa Lacag Lagu Helayo Soo-gelidda Intarnetka

Iska diiwaan geli CollegeBound Saint Paul oo eeg Koontada Keydka ee lacagta ilmahaaga ugu jirto marka ugu horreysa.

Sida lagu Helo Bakhshiishka Guji Bogga Diiwaangelinta Koontada Keydinta. Waa inaad haysato lambarka aqoonsiga nuunnehaaga si aad marka ugu horreysa uga diiwaan geliso bogga keydinta lacagta waxbarashada. Waxaad lambarka aqoonsiga ka heli kartaa kaarka koontada ilmahaaga ee ku jirta waraaqihii soo-dhaweynta ee laguu soo diray. Sida marka ugu horreysa loo galo intarnetka si aad u aragto koontada ilmahaaga waxay kuugu qoran tahay bogga 4-aad ee waraaqahaaga soo-dhaweynta.

$25 Bakhshiishka Dhalashada Koowaad

Dhalasho Wanaagsan! Hel bakhshiishkan marka nuunnehaagu gaaro hal ama 1 sano.

Sida loo Helayo BakhshiishkaWaxba uma baahnid inaad sameyso, barnaamijka ayaa bakhshiishka si toos ah u soo gelinaya koontada keydinta lacagta marka ilmuhu noqdo 1 sano jir.

$50 Bakhshiishka

Daraasadeynta Diiwaangelinta

Ka jawaab daraasad ah diiwaangelin oo la yiraahdo CBSP Family Survey ee aad ku arki doonto Koontada Keydinta Lacagta.

Sida loo Helo Lacag: Is-diiwaangeli ama gal intarnetka koontada Keydinta Lacagta si aad uga jawaabto daraasadda la yiraahdo CBSP Family Survey.

$50 Isku-qoridda Bakhshiishka

Isku-qoridda CollegeBound Saint Paul si aad u furato koontada nuunnehaaga.

Nuunneyaasha xaqa u yeesha barnaamijka keydsiga lacagta kuleejka CollegeBound Saint Paul waxaa la diiwaangeliyaa marka ay dhashaan, laakiin qoysas badan, diiwaanka dhalashada nuunnaha ayaa si toos ah u qarsoon marka hore. Arrintan waxaa ku jira nuunnaha waalidkood aysan isku guursan si sharci ah, nuunneyaasha ay hayaan qoysas lagu meeleeyey, ama nuunneyaasha ku dhasha meelo ka baxsan Saint Paul laakiin gadaal dambe ka soo dega.

Sida lagu Helo Bakhshiishka: Looma baahna in bakhshiishkan awgiis wax tallaabo ah loo sameeyo, barnaamijka ayaa go’aamin doona haddii aad xaq u leedahay.

$50 Lacagta Sinnaanta Gaar Ahaaneed

Nuunneyaasha ay dhaleen qoysaska dadweynaha taariikh ahaan aan deegaankooda la maalgelin ayaa heli doona lacag ah hal mar oo ah $50.

Deegaammada aan taariikh ahaan la maalgelin waa meelo taariikh ahaan lagu yareyn jirey lacagaha iyagoo aan maalgelin ka heli jirin dowladda, meheradaha iyo shariikadaha.

Sida loo Helo Bakhshiishka Is-diiwaangeli ama in la galo intarnetka koontada Keydinta Lacagta, oo buuxi Daraasadda Diiwaangelinta. Barnaamijka ayaa go’aamin doona qofkii xaq u leh iyadoo la raacayo macluumaadka dadku ku bixiyo daraasadda ama macluumaadka dadka laga helo markay isku qorayaan barnaamijka.

$50 Bakhshiish Dhaqaale Fiican

Sannadka kasta hel $50 markaad ka qeyb qaadato barnaamijyada ama waxyaabo lagu hagaajinayo nolosha dhaqaalaha qoysaska, sida barashada maaliyadda ama in laga qeybqaato barnaamij kor loogu soo qaado sumcaddaada.

Sida lagu Helo Bakhshiishka Halkan guji oo ka eego faahfaahinta xaq loogu yeesho, in la isu gudbiyo goobo dadka caawiya, iyo sida lagu helo bakhshiishka.

$50 Lacagta Bakhshiishka Fayaqabka Carruurnimada

Sannadka kasta hel $50 markaad ka qeybqaato barnaamijyada ama aad sameyso wax kor u qaadi kara horumarka caafimaadka nuunnaha, sida in laga qeybqaato casharrada waalidnimada ama dhallaanka, ama in nuunnehaaga la geeyo wiisiteynta sannadka oo joogto ah.

Sida lagu Helo Bakhshiishka Halkan guji oo ka eego faahfaahinta xaq loogu yeesho, in la isu gudbiyo goobo dadka caawiya, iyo sida lagu helo bakhshiishka.

Fadlan noo oggolow hal bil  oo waxaad sugeyso ay ka muuqdaan koontada CollegeBound ee nuunehaaga. Bakhshiishku wuu is beddeli karaa sannad kasta oo waxay ku xiran tahay maalgelinta la heli karo.

Bakhshiishyada Xoojinta CollegeBound Saint Paul

Ha korodho koontada nuunnehaaga oo ku xirnow meelo kugu taageeraya dhaqaalaha iyo barbaarinta ilmaha.

Ujeeddada CollegeBound Saint Paul ma ahan oo kaliya in ilmahaaga lagu caawiyo habka tacliinta sare, laakiin sidoo kale waa in qoysaska lagu xiro meelaha barbaarinta iyo sidoo kale barashada maaliyadda iyo siyaabaha lagu gaaro isku-filnaansho dhaqaale ahaaneed. Waxaad heli kartaa $50 oo sannad kasta koontada la geliyo (oo ah taariikhda dhalashada ilmaha) si aad si ficil ah uga sameyso waxa la hiigsanyo.

$50 Bakhshiishka Dhaqaale Fiican

Sannadka kasta hel $50 markaad ka qeyb qaadato barnaamijyada ama waxyaabo lagu hagaajinayo nolosha iyo dhaqaalaha

Waa maxay waxyaabaha xaqa loogu yeesho Bakhshiish Dhaqaale Fiican?

Waxyaabaha aad ka qeyb qaadatay ilaa intii nuunnuhu dhashay ee loo furay koontada CollegeBound waa in lagu buuxiyo magaca mid ka mid ah waalidiinta ama masuulka u diiwaangashan ilmaha iska leh koontada lacagta waxbarashada ee CollegeBound.

Tusaaleyaasha barnaamijyada xaqa loo yeesho waa:

    • Barashada Dhaqaalaha
    • La-talin Dhaqaale ama Tababar
    • La-talinta Sumcadda ama Waxyaabaha Sumcadda Lagu Dhiso
    • Barnaamijyo Labanlaabaya Lacag-keydinta
    • Furashada koonto bangi oo cusub (mid caadi ah ama mid ah keydin)
    • Helidda Adeegyada Xareynta Canshuur-celiska oo Bilaashka ah (VITA ama mid ah Goob
    • Barnaamijyada horumarinta shaqaalaha ama adeegyada la talinta shaqada
    • Tababarro gaar ah oo lagu yeesho guri ama meherad
    • Helidda maalgelinta meherad yar, ama kaalmada lacag-bixinta, sida amaahda ama deeqaha

Barnaamijyo dheeraad ah oo xaq loogu yeelan karo bakhshiishka. Si aad u hubiso waxa aad xaq u leedihiin, soo garaac [651-266-8829] ama farriin u soo dir collegebound@ci.stpaul.mn.us].

Halkee baan ka heli karnaa barnaamijyada iyo adeegyada fiican ee maaliyadeed?

$50 Lacagta Bakhshiishka Fayaqabka Carruurnimada

Sannadka kasta hel $50 markaad ka qeyb qaadato barnaamijyada ama waxyaabo aad ku kordhin karto koboca nuunnaha.

Waa maxay waxqabadyada xaqa loogu yeelan karo Bakhshiishka Fayaqabka Carruurnimada?

Waxyaabaha aad ka qeyb qaadatay ilaa intii nuunnuhu dhashay ee loo furay koontada CollegeBound waa in lagu buuxiyo magaca mid ka mid ah waalidiinta ama masuulka u diiwaangashan ilmaha iska leh CollegeBound.

Tusaaleyaasha barnaamijyada xaqa loo yeesho waa:

    • WIC ama Barnaamijka Nafaqada Haweenka, Dhallaanka iyo Carruurta
    • Wiisiteynta Sannad Kasta
    • Headstart Goor Hore
    • Waxbarashada Qoyska ee Carruurnimada Hore (ECFE) iyada oo loo marayo Waxbarashada Bulshada ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul
    • Kooxaha Taageerada Waalidka, sida Club Mom iyo Club Dad
    • Adeegyada Booqashada Guriga Qoyska
    • In la helo barnaamijka Me & My Baby Brain Building Bag
    • Barnaamijka Daryeelka Isku-dhafan ee Uurka Khatarta Badan

Barnaamijyo dheeraad ah ayaa xaq loogu yeelan karaa bakhshiishka. Si aad u hubiso wax aad xaq u leedihiin, soo garaac 651-266-8829 ama farriin ku soo dir collegebound@ci.stpaul.mn.us.]

Halkee baan ka heli karnaa barnaamijyada iyo adeegyada fiican ee maaliyadeed?

Sida loo Helo Bakhshiish Xoojin kuu Noqda

Dir Caddeynta:
Waxaad nala wadaagi kartaa caddeymaha ka-qeybgalka barnaamijka, sida koobbi ama sawirka farriin ah boostada intarnetka (email), warqad, caddeyn wax aad bixisay ama xiriir kale oo ah xafiiska hawsha.

Gudbi Foomka Xaqiijinta:
Haddii aadan haysan caddeyn, waxaad weydiisan kartaa xafiiska inuu xaqiijiyo ka-qeybgalkaaga ama manaafacaadka adigoo isticmaalaya Foomka Xaqiijinta.

La soo deg

Waxaad caddeynta bakhshiishka ku soo gudbin kartaa:

“Boostada Intarnetka (Email): Collegebound@ci.stpaul.mn.us”

Fakis: [651-266-8541]

Taleefanka: [651-266-8829]

Ku soo dheji: Ku soo dheji Kadinkaaga intarnetka ee Koontada Dhigashada Lacagta ee CollegeBound, marka aad soo gasho bogga

Boostada:
[CollegeBound Saint Paul
700 City Hall, 15 W Kellogg Blvd.
Saint Paul, MN 55102]

Maantaba ilmahaaga ku soo qor barnaamijka CollegeBound Saint Paul

Faahfaahin Dheeraad ah
Privacy Settings
We use cookies to enhance your experience while using our website. If you are using our Services via a browser you can restrict, block or remove cookies through your web browser settings. We also use content and scripts from third parties that may use tracking technologies. You can selectively provide your consent below to allow such third party embeds. For complete information about the cookies we use, data we collect and how we process them, please check our Privacy Policy
Youtube
Consent to display content from - Youtube
Vimeo
Consent to display content from - Vimeo
Google Maps
Consent to display content from - Google
Spotify
Consent to display content from - Spotify
Sound Cloud
Consent to display content from - Sound
CollegeBound Saint Paul