so

Ka Qeybqaado

Ururka Iskaashiga Dadweynaha

Iskaashiga Dadweynaha waa dad iyo ururro u heellan in ay horumariyaan bulshada ay ku dhex nool yihiin iyagoo u maraya ururka tacliinta sare ee CollegeBound Saint Paul.

Hoggaamiyeyaal

Ma taageertaa barnaamijka iyo aragtida u qoran CollegeBound Saint Paul? Haddii aad ku jawaabtay ‘haa!’ mar hore ayaadba barnaamijkan hoggaamiye u noqotay!

Markaad ku jirto Barnaamijka Hoggaamiyeyaasha CollegeBound Saint Paul:

  • Waxaad ku biiri doontaa hoggaamiyeyaasha dadweynaha ee CollegeBound Saint Paul, safiirrada, iyo iskaashiga dadweynaha si loo xoojiyo bulshada
  • Waxaad taageero iyo taakuleyn u sameyn doontaa barnaamijka adiga oo la sii wadaagaya dadweynaha iyo meelaha aad ku xiran tahay
  • Magacaaga/astaanta shirkaddaada ayaa lagu qori doonaa barta intarnetka ee CollegeBound Saint Paul iyo agabka barnaamijka
  • Waxaa lagugu casuumi doonaa munaasabado iyo hawlo ah is-xilqaamid

Bulshadaada ku caawi in ay xoogeysato. Maanta isku-qor in aad ka mid noqoto Hoggaamiyeyaasha Barnaamijka CollegeBound Saint Paul!

ISKU QOR
Liiska Hoggaamiyeyaasha

Barnaamijka Gacansaarka safiirrada

Barnaamijka Gacansaarka safiirrada CollegeBound Saint Paul waa hogaamiyayaal adiga kula mid ah! Safiirradu waxa ay la shaqeeyaan qoysaska iyo bulshada iyagoo gacansaar iyo dedaal muujinaya si ay dadka ilaa hoos uga soo dhisaya.

Safiirrada Barnaamijka CollegeBound Saint Paul:

  • Waxay ku biiri doonaan hoggaamiyeyaasha dadweynaha CollegeBound Saint Paul, safiirrada, iyo iskaashiga dadweynaha si loo xoojiyo bulshada

  • Waxay sameynayaan wacyigelinta barnaamijka CollegeBound Saint Paul iyagoo martigelinaya munaasabado ay kula hadlaan qoysaska deegaanka

  • Waxay hoggaan u noqdaan shaqada iyagoo ka qeybgalaya tababarro kana qeybqaadanaya fursadaha aqoonkororsiga xirfadaha

  • Waxay hawlgeliyaan dadweynaha iyagoo u maraya qoysas ay xiriir fiican lahaayeen si ay mustaqbal fiican ugu sameeyaan qoysaska iyo magaalada

Haddii aad dooneyso in aad noqoto Safiirka Gacansaarka Barnaamijka CollegeBound Saint Paul, nagala soo xiriir CollegeBound@ci.stpaul.mn.us si aad isugu qorto liiska. Dadka safiir ahaan loo qorto waxay hawlahooda bilaabi doonaan bisha Jannaayo 2020.

Ururrada Iskaashiga Dadweynaha

Haddii aad rabto inaad si toos ah ula shaqeyso xubnaha bulshada ee ka faa’iideysan kara CollegeBound Saint Paul, noqo Abaabulaha Iskaashiga Dadweynaha.

Ururrada Iskaashiga Dadweynaha waxay toos ula shaqeeyaan qoysaska oo waxay ku caawiyaan in ay ku xiraan waxyaabaha muhiimka u ah. Waxyaabahaas muhiimka ah waxaa ka mid ah aqoonta iyo agabka dhaqaalaha, waxbarashada bilowga ah ee ilmaha, iyo adeegyada kale ee bulshada. Ururrada Iskaashiga Dadweynaha waxay gacansaar la yeeshaan dadka iyo shaqaalaha daryeelka si looga caawiyo qoysaska qaar inay carruurta ku qortaan CollegeBound Saint Paul.

Markaad ku jirto Ururrada Iskaashiga Dadweynaha:

  1. Waxaad tahay qof toos ula shaqeeya qoysaska oo waxaad ku caawineysaa meelaha muhiimka ah (sida aqoonta iyo agabka dhaqaalaha, waxbarashada bilowga ah ee ilmaha, iyo wax ka sii badan.)
  2. Waxaad la xiriireysaa waalidka, masuulka, iyo dadka carruurta daryeela ee xaq u yeelan kara wax aysan ogeyn, ka dibna ku caawi inay isku qoraan.

Faahfaahin ka hel sida loo codsado oo noqo caawiyaha Wada-shaqeynta Urur Bulsho adigoo eegaya Qoraalka Wada-shaqeynta Bulshada.

La soo deg qoraal ah PDF

Su’aalo?

Nala Soo Xiriir
Privacy Settings
We use cookies to enhance your experience while using our website. If you are using our Services via a browser you can restrict, block or remove cookies through your web browser settings. We also use content and scripts from third parties that may use tracking technologies. You can selectively provide your consent below to allow such third party embeds. For complete information about the cookies we use, data we collect and how we process them, please check our Privacy Policy
Youtube
Consent to display content from - Youtube
Vimeo
Consent to display content from - Vimeo
Google Maps
Consent to display content from - Google
Spotify
Consent to display content from - Spotify
Sound Cloud
Consent to display content from - Sound
CollegeBound Saint Paul