Waxaa ilmaha laga diiwaangelin karaa intarnetka ka dib markay dhashaan ama waxaa si toos ah loo diiwaangelin karaa haddii diiwaankooda dhalashada laga dhigo mid aan qarsooneyn.
Si ilmaha loogu qoro CollegeBound Saint Paul, waa in ay dhashaan 1-da Jannaayo, 2020 ama ka dib, dabadeedna waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:
Waxaa ilmaha loo tixgalinayaa in uu deggen yahay Saint Paul marka ay Saint Paul deegaan u tahay ugu yaraan mid ka mid ah waalidka ilmaha, masuulka u sharciyeysan, ama qofka kale oo korinaya.
Haddii ay qoys filayaan in uu u dhasho ilmo uur lagu sido, kol hore ayey u sii diiwaangelin karaan CollegeBound Saint Paul. Diiwaan-gelinta hore ee ilmaha macnaheedu ma aha in barnaamijkii sidaas lagu qoray. Waxaan ku xasuusin doonnaa in aad qorto ilmaha marka ay dhasheen.
Ka dib marka la isku qoro CollegeBound Saint Paul, waxaa dadka guryahooda loogu soo diraa waraaqo soo-dhaweyn ah oo ay ka helayaan macluumaadka la isugu diiwaan geliyo Kadinka Intarnetka Koontada ee lacagta waxbarashada. Waxaad fiirin kartaa lacagta ku jirta koontada ilmahaaga, lacagta aad geliso iyo waxyaabo badan.
Wax su’aalo ah?
Su’aalo?